Amaro La Dhul Dhigay Milkiilayaasha Hoteelada Magaaladda Dhuusamareeb

0

Hay’adaha amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala magaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Amaro Dul dhigay Hoteelada Ku yaala Magaaladaas.

Milkiilayaasha Hoteeladda magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa lagu amray in in aanan Hoteeladooda lagu qaban karin Shir siyaasadeed aysan ogeyn laamaha ammaanka Dhuusamareeb.

Laamaha ammaanka ayaa u sheegay Milkiilayaasha Hotelada ciddii Hotelkooda lagu qabto shir aanan lagu soo wargelin laamaha ammaanka in tallaabo laga qaadi doono.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid la wareegtay howlihii dhismaha Dowladd Goboleedka Galmudug,waxaana meesha laga saaray kaalintii Ahlusuna Waljameeca.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here