Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaweyd howlgal ka fuliyay Gudaha Suuqa bakaaraha ee magaaldda Muqdisho.
Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa ka dhacay Gudaha Xaruntii Hore ee Xawaaladda Qaran ee Suuqa bakaaraha.
Baarayaal ka tirsan NISA ayaa gudaha u galay Xaruntii Hore ee Qaran,waxaana la hakiyay dhamaan howlihii ka socday Xarunta.
Ciidamadda ayaa halkaas ka watay markii dambe wiil dhalinyaro ah, iyo gabar kale,waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka goobta uu howlgalka ka socday.
Lama oga wiil la watay waxa uu ahaa,waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka (NISA) horey u xireen wiilka, balse lasoo daayay markii dambe

