Taliska Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Xarakadda Al-shabaab.
Ninkaan ayaa laga soo qabtay Degmadda hodan ee gobolka banaadir,kadib markii uu qarax ku xiray gaari uu Lahaa Nin ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha aadan cadde, ee Magaaladda muqdisho,kaasi oo yaalay agagaarka Hotel Safari.
Shacabka Fara badan iyo Ninkii Gaariga lahaa ayaa arkayay xiliga uu qaraxa gaariga ku xirayay Ninka ka tirsan Al-Shabaab.
Markuu Gaariga Qarxay kadib, dadkii shacabka ahaa iyo Milkiilaha gaariga ayaa bilaabay in ay eryadaan ninka ka Tirsan Shabaab,waxaana buuqooda kusoo baxay Ciidamadda Amaanka oo gacanta ku dhigay ninka Hubeysan.
Hay’adda Nabad Suggida ayaa waxay muuqaalka ninkan ku soo bandhigtay barta ay ku leedahay Twitter.
“Laamaha ammaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, oo ka tirsan qaybta qaraxyada Al Shabaab, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka Isgoyska Zoobe.”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

