James Swan:-“Dhinacyada Soomaalida Ha Xaliyaan Ismariwaaga u Dhaxeeya”!

0

Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia ambassador james swan ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Somalia uu caqabad kunoqon karo qabashada doorashada madaxtinimo ee lafilayo in ay ka qabsoomto Somalia sanadda 2021.

James swan ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahanyahay in wadahal lagu dhameeyo ismariwaaga siyaasadeed ee udhaxeeya dhinacyada iskuhaya siyaasadda Somalia.

Ambassador james swan ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay qaabilsan arrimaha Somalia oo hadal u jeedinayay xubno sar sare  ka tirsan golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa yiri

“Dajinta ajandaha sanadda 2020 waxa ay ubaahantahay kaqeybqaadashada siyaasiyiinta iskuhaya dhinacyada siyaasadda Somalia,tani waxa ay ubaahantahay in laga yeesho wadahallo laiskugu soo dhaweynayo dowlada federaalka Somalia iyo dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe,sidoo kale xukuumadda iyo golayaasha baarlamaanka,madaxda talada dalka heysa hadda kuwi hore,indheer garadka bulshada,bulashada rayidka,haweenka iyo  dhalinyarada in kawadaqeyb qaatan arrimaha doorashooyinka”.

Ambassador james swan ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia oo hadal ujeedinayay xubno sare oo kamid ah golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa yiri

“Kadib muddo kudhaw halsano oo aysan wax wadashaqeen ah dhexmarin dowlada federaalka Somalia iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe,taasi waxa ay keentay xaalad adag oo caqabad kunoqotay horumarinta iyo gaarida waxyaabaha hortabinta u leh qorshayaasha qaranka Somalia,hogaamiyayaasha somalida waxaa looga baahanyahay in ay dhameeyaan ismariwaaga siyaasadeed ee udhaxeeya dowlada federaalka Somalia iyo dowlad gobaleedyada islamarkaana ay uturaan danta qaranka Somalia”.

Hadalkan kasoo baxay ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay uqaabilsan arrimaha Somalia ambassador james swan iayadoo dhawaan ay wadahallo yeesheen madaxweynayashii hore ee Somalia shariif sheikh axmed,xasan sheikh maxamuud iyo madaxweynaha haatan haya talada dalka maxamed cabdullahi farmaajo wadahalladaasi oo looga gollahaa sidii xal loogu heli lahaa isfahamwaaga siyaasadeed ee udhaxeeyay xukuumada Somalia iyo xisbiyada mucaaradka ee dalka kajira.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here