Al-shabaab oo Ka Hadlay Duqeyn Mareykanka Ka Fuliyay Kuunyo Baroow

0

Al-shabaab ayaa ka hadlay Duqeyn Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay ka fuliyeen Deegaanka Kuunyo Baroow ee  Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in duqeynta lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Ismaaciil, kaas oo kamid ahaa ganacsatada Gobolka  Shabeellada Hoose, goob ganacsina ku lahaa Kuunyo Barroow.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in Ganacsadaha uu isla goobta uu ku geeriyooday,islamarkaana goobta laga qaaday.

Mareykanka ayaa sheegtay Mas’uuliyadda duqeynta ka dhacday Deegaanka Kuunyo Baroow ee  Gobolka Shabeellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here