Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Dil xalay loo geystay Taliyihii Nabadd Sugidda Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug.
Dilkaan ayaa xalay ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo,waxaana geystay dhalinyaro Bastooladdo ku hubeysneyd.
Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in rag ka Tirsan Ciidankooda ay fuliyeen dilka Taliyaha,islamarkaana ay baxsadeen.
“Mujaahidiinta ayaa howlgal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay Xaashi Cilmi Geelle oo ahaa madaxii Sirdoonka maamulka Puntland ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

