Wararka ka imaanaya Degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya In Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) uu isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shigshigow oo maalmihii dambe diidanaa xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa shalay dagaal la galay ciidamadda booliska koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwa Ethopia,waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wasiiro ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa galay arinta,waxaana xalay lagu guuleystay in uu isdhiibo Gudoomiye Shigshigow.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa 11-kii bishan wareegto uu soo saaray xilka uga qaaday Gudoomiyihii hore ee Degmada Diinsoor, isagoona Cabdisalaan Xaaji Siidow u soo magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Diinsoor.

