Waxaa Maanta oo khamiis ah lagu wadaa In Xildhibaanadda baarlamaanka Maamulka Puntland, ay doorteen Gudoomiyaha Cusub ee baarlamaanka Maamulkaas.
Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka puntland waxaa u taagan, 3-musharax Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Saddexda musharrax, ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loolan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Baarlamanka Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay guddoomiye Cabdixakiin Dhooba-daareed.

