Farmaajo:-“Siyaasiyiinta Na Dhaliilaya Waa Kuwa Xanaaqsan oo Shaqa Doon ah”!

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed, ayaa eedeen u jeediyay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed,kuwaasi oo maalmihii dambe hadalo kulul hawada u marinayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Ganacsatadda dalka Kenya ayuu sheegay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalmihii dambe warbaahinta ka hadlayay ay yihiin Shaqa-doon, xanaaqsan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladiisa ay ka socon la’dahay Siyaasiyiinta Shaqa doonka, Al-shabaab iyo Maamul Goboleeyadda.

“Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan” ayuu yiri mudane Farmaajo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here