War Deg Deg:-Dil Ka Dhacay Muqdisho,Ragii Fuliyay oo La Qabtay

0

Faah-faahino dheereed ah ayaa kasoo baxaya Askari ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in kooxo hubeysnaa ay dileen askariga oo ku sugnaa Suuqa Weyn Degmadda Wadajir ee Gobolka banaadir.

Ragii dilka fuliyay oo seddex ka koobnaa ayaa isku dayay in ay goobta ka baxsadaan,balse askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda oo goobta ku sugnaa ayaa rasaas ku furey,waxaana suura-gashay in la qabto labo kamid ah mid kalana wuu baxsaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here