Ciidanka boliiska iyo maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay laba ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo dil u geestay Askari katirsan ciidanka amniga.
Ku-simaha duqa magaalada Muqdisho mudane Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere) ayaa booqday saldhiga boliiska degmada Wadajir oo lagu soo bandhigay Ragga ka tirsan Shabaab oo isku dayay iney ka baxsadaan gacanta hey’adaha amniga.
Gudoomiye ibraahim Dheere ayaa sheegay in Ciidamadda amniga ay qabteen shaqo wanaagsan,wuxuuna sheegay in ragga la qabtay loo gacan galin doono hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya.








