Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Xalay La Dilay Gudoomiye deegaan iyo
Ku xigeenkiisa.
Falkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Cadeyga ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal kooxo hubeysnaa ayaa ka xeystay Deegaanka Gudoomiyaha deegaanka Cadayga Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii Cilmi Qooje Xasan,kadibna way dileen.
Sidoo kale dadka Deegaanka ayaa inoo sheegay in ilaa haatan aan la ogeyn ragga ka dambeeyay Falkaan.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe aynu la xariirnay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo arintaan.

