Maxkamadda Derejada kowaad ee degmadda Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday Laba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Magaaladda.
Maxkamadda ayaa sheegtay in labadda eedeysane ay qirteen Dambiyadda lagu soo oogay,islamarkaana Gudaha maxkamadda Lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud.
Magacyadda labadda eedeysane ayaa lagu kala sheegay Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe), Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi.
Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) , ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah, halkaFaysal Cabdinaasir Cabdullaahi isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

