Al-shabaab oo Isaga Baxeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Mudug

0

Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen Deegaanno hoos yimaada degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Deeganadda Shabaab ay ka baxeen ayaa kala ah Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab ay baqdin ka muujiyeen Howlgaladda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiisha waxa ay sheegeen in Shabaab jab kala kulmeen Duqeymo Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo tuulooyinka ay ku sugan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here