Dhoobo oo Mar Kale Sheegay in uu Yahay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

0

Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulka puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan ayaa mar kale ku celiyay in uu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharcidaro,islamarkaana Xildhibaanadda shiray kulankooda uu ahaa mid Sharciga kasoo horjeeda.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garoowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa.

Guddoomiye Dhoobo Daareed, waxa kale oo uu  bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here