
Mid kamid ah saraakiisha ugu sareysa howlgalka mareykanka uu kawado Africa ayaa booqosho ku yimid Magaaladda muqdisho.
General Stephan townsend oo ah taliyaha howlgalka africom ayaa booqasho ku yimid dalka Somalia,general Stephan townsend ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa ay tahay sidii uu ugu kuurgali lahaa howlgalka mareykanka ee africom iyo dagaalka ka dhanka ah alshabaab.
Taliyaha howlgalka africom general Stephan townsend ayaa tilmaamay in booqashadiisa ay muhiim utahay howlgalka africom isagoona intaasi ku daray in howlgalka ay kawadaan Somalia uu muhiim uyahay xasiloonida bariga Africa.
Taliyaha howlgalka africom general Stephan townsend ayaa kulan laqaatay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Somalia Mohamed abdullahi farmaajo iyo sidoo kale hogaanka ciidamada xoogga dalka somaliyeed kulankaasi oo diirada lagu saarayay arrimaha amaanka iyo guulaha laga gaaray waxkaqabashada xaaladaha amaan ee dalka Somalia.
Sidoo kale taliyaha africom waxa uu lakulmay 700 oo kamid shaqaalaha mareykanka kuwaasi oo lakeenay Somalia intii lagugudajiray booqashadiisa sida uu warbaahinta usheegay kornel chris karns oo ah afhayeen uhadlay taliska africom ee Somalia.
