Wasiirka Arrrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa hogaanka Ahlusuna Waljameeca kaga digay in la fashiliyo hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.
Isagoo Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshadda ayuu sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.
Hadalka Wasiirka Arrrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi maxamed Sabriye ayaa imaanaya xili saansaan colaadeed laga dareemayo magaalooyinka Galmudug.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay la wareegay Magaalooyinka Matabaan, guriceel iyo Dhuusa-mareeb.

