Saraakiisha Taliska Qaybta 21-aad Sida Taliyaha Qaybta Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje” Taliyaha Ciidanka DANAB ee Q21,aad iyo Taliyaha Guutada 15-aad Gen: Mascuud Maxamed oo uu wehliyo Agaasinka Nabadsugida Gaarka ah ayaa gaarey Saldhiga Degmada Guriceel iyo Goobo Kale oo amaankooda ay La wareegeen Ciidamada Dowlada Faderaalka.
Saraakiisha waxaa saldhiga Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay saraakiisha da’yarta ee hogaaminaysa Ciidamadda saakay la wareegay Saldhigga,kadib markii ay isaga baxeyn Ciidamadii Ahlusunna ee ku sugnaa.
Dhanka kale waxaa dagan Xaaladda Degmadda guriceel,waxaana shacabka ay soo dhaweeyeen Ciidamadda Dowladda ee la wareegay Degmadda.










