Meydka Mid Kamid ahaa Dadkii Saarnaa Doontii Ku Rogmatay Beledweyne oo La Helay

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in la helay meydka Nin kamid ahaa Dadkii saarnaa Doonidii Shalay ku Rogmatay Mid kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.

Ala ha u Naxariistee Shariif Xasan oo ahaa Ganacsade sidoo kalena ahaa aqoonyahan ayaa shalay meydkiisa laga helay Deegaanka Shabeelow ee duleedka Magaalada Beledweyne.

Kooxaha Gurmadka ayaa sheegay in tan iyo shalay la baadi-goobayay Shariif,balse isagoo meyd ah la helay galinkii dambe ee shalay.

Shariif Xasan ayaa kamid ahaa 20-ruux oo saarnaa doonida Rogmatay,waxaana laga soo badbaadiyay 14-ruux,balse waxaa la la’yahay nolol iyo geeri 8-ruux oo ay ku jirto La taliyihii dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Dahabo Axmed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here