Wadayaasha gaadiidka Dadweynaha ayaa maalintii seddexaad waxa ay banaanbax ka dhigayaan Wadooyinka magaaladda muqdisho.
Darawaladda oo shaqo joojin ku dhawaaqay ayaa saakay banaanbax waxa ay ka dhigayaan Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere,waxaana la xiray gabi-ahaan goobihii ganacsiga,waxayna dadka lug ku tagayaan goobaha shaqadda iyo waxbarashadda.
Qaar kamid ah Darawaladda ayaa sheegay in ay ka cabanayaan xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho, canshuuro lagu kordhiyay, iyo marista wadooyinka oo dhibaato ay ku qabaan.
Waxay ku baaqeen in ay arintaan wax laga qabto,islamarkaana hadii cabashooda la xalin waayo ay banaanbaxyada ku faafin doonaan Dhamaan magaaladda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shalay u saaray guddi xaliya cabashada Gaadiidleyda, waxaana uu caddeeyay in wada hadal u socdo maamulka iyo guddi ay iska soo dhex magacaabeen gaadiidleyda.

