Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah ay Dooni kula rogmatay mid kamid ah Xaafadaha Magaaladaas.
Doonta ayaa la sheegay In ay saarnaayen ilaa 20-ruux oo isugu jirey shacab,mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle iyo siyaasiyiin.
Duqa Magaalada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali, Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa kamid ahaa mas’uuliyiintii saarnaa doonida,balse way badbaadeen.
Qaar kamid ah dadkii ay Doonta la qalibantay ayaa la sheegay in ay koreen guryaha iyo geedaha dushooda.
Sidoo kale waxaa la sheegay in la la’yahay La Taliyaha arrimaha Haweenka ee Madaxweyne Maxamed C/laahi Waare iyo Ciidamo Ilaalo ahaa oo doonta wax ka saarnaa.

