xTaliska mareykanka ee ka howlgala Somalia ee magacooda loo soo gaabiyo Africom ayaa sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka somaliyeed gaar ahaan kuwa danab.
Madaxa xiriirka dadweynaha taliska mareykanka ee Africom Kornel Chris Karns ayaa sheegay in taliska mareykanka Africom ee Somalia uu sii wadi doono taageerada millitari iyo middo farsamo ee uu siiyo ciidamada xoogga dalka somaliyeed gaar ahaan kuwa danab.
“Doorkayaga iyo hadafkeenna koowaad waa inaan hormarinaa ciidamada danab,kuwaasi oo doorkooda millitari loo baahanyahay in sare loo qaado iyo sidoo kale in lahubiyo tayada ciidamada xoogga dalka Somalia si ay usii wadaan guulaha millitari lkn dadku waxa ay akayaan duqeymaha diyaaradaha mareykanka waxa ayna ay muhiim uyihiin taageerada ciidamada danab si loo bartilmaameedsado goobaha ay kusuganyihiin dagaalyahanada alshabaab”, ayuu yiri Kornel Chris karns.
Madaxa xiriirka dadweynaha taliska mareykanka Somalia ee Africom kornel Chris Karns oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in dowlada federaalka Somalia ay guulo badan ka gaartay howlgallada millitari ee ka dhanka ah Al-shabaab howlgalladaasi oo ay hormuud kayihiin ciidamada xoogga dalka somaliyeed gaar ahaan kuwa danab,Kornel Chris Karns ayuu yiri.
“Sida aad ogtihiin waayaddii hore alshabaab waxa ay gacanta kuhayeen intabadan goballada Somalia qiyaastii 85 boqolkiiba,maanta alshabaab waxa ay gacanta kuhayaan qiyaastiii 20 boqolkiiba gobollada Somalia”.

