Diyaarahada Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Jamaame, Bu’aale ee Goboladda Jubooyinka.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dhowr Madfac lala beegsaday Saldhigyada Al-shabaab,islamarkaana duqeynta uu ku dhaawacmay sarkaal magaciisa lagu sheegay Xuseen Kabdhe.
Dhanka kale diyaaradaha Dagaalka mareykanka ayaa duqeeyay Saldhig Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Jameeca oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.
Lama Oga khasaaraha ka dhashay Duqeyntaan lala beegsaday Al-shaabab,

