Waxaa Xalay Magaaladda Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaanka ayaa waxaa dhaawacay Gudoomiyaha Degmada Warsheekh, xilli la barayay Isticmaalka Bistoolada.
Dhaawaca Xildhibaanka ayaa mudooyinkii dambe waxaa lagu dabiibayay Isbitaal ku yaala Magaaladda Muqdisho,waxaana xalay la xaqiijiyay in uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka Tacsiyeeyay Geeridda Xildhibaan Xasan Cali Xasan.

