Ciidamada Midowga Yurub oo Badbadiyay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa DFS+Sawirro

0

Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee ka hawlgala Xeebaha Somaliya, ayaa badbaadiyay ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somaaliya oo labo habeen ka hor Dooni kula dagtay Badweynta Hindiya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ay la soo xiriireen Ciidamadaasi, xilli doonidooda ay dhex sabeynaysay agagaarka xeebta Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in lasoo badbaadiyay 7-kamid ah ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana dhawaan lagu wareejin doono Dowladda.

Sawiro laga soo qaaday Ciidamada ayaa muujinaya in gurmad ka helayn Ciidamadda Midowga Yurub, Markab ay wateen ciidamadan ayay sidoo kale ku soo jiideen doonidii ay ciladda ku timid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here