Kooxda Macawiisley oo Dishay Axmed Fanax oo Al-shabaab Ka Tirsaaa

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Macawiisley iyo kuwa Shabaab uu saakay ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Buulo-burte ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Macawiisley ay weerar ku qaadeen Deegaanka ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana jira khasaare kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Afhayeenka Ciidamadda Macawisley Istakiin oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Macawiisley ay ku guuleysteen weerarkaas,islamarkaana ay dileen Hogaamiyihii shabaab ee Deegaankaas oo lagu magacaabi jirey Axmed Fanax.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here