Wasiir u Xiran Dowladda Soomaaliya oo Garoon Loogu Magacdaray+Sawirro

0

Maamulka degmooyinka Doolow,Baladxaawo,Luuq ayaa si wada jir ah xariga uga jaray magaca cusub ee garoonka diyaaradaha Doolow oo loogu magac daray Wasiir Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan).

Munaasabadda Xarig Jartay ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,waxayna halkaas ka jeediyeen Fariimo ku wajahnaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan),wasiirkii Amniga maamulka Jubbaland ayaa bilooyin haatan u xiran Dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo.

Wasiirka oo dhawaan lasoo taagay maxkamad ayaan wax faahfaahin ah laga helin,wuxuuna xiran yahay muddo ka badan 2 bilood, waxaana 1-dii bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde markaas oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here