Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa qirtay dilka Taliyihii Ciidamadda Gorgor ee Kumaandooska Dowladda Soomaaliya, kaasi oo sabtidii lagu dilay meel ku dhow Ex Hoteelka Naasa-Hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho.
Wasiirka oo maanta ka qeyb galay aaska Taliyaha iyo mid kamid ah ilaaladiisa oo ka dhacay magaaladda Muqdisho ayaa qirtay dilka Taliyaha,wuxuuna sheegay in gacanta lagu hayo dambiilihii dilka geystay,sharcigana la horgeyn doono.
“Gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor gacanta heyadaha amniga ayey ku jiraan cadaalada ayaana la hor keeni doonaa”,ayuu Yiri Wasiir Islow.

