Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo Cabasho Ka ah Xiligaan Al-shabaab

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  soo xiray Shirwaynaha Bandhigga Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, kaasi oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar.

Shirakni ayaa waxaa waxaa isku soo duba riday Hey’adda GEEL oo garab ka heleysa Hey’adda USAID, waxaana ka qeyb galay xuhno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Ganacsato, xubno ka soday Shirkadaha Ganacsiga qeybihiisa kale duwan, iskaashatooyinka dhinaca beeraha, Hey’adda ka shaqeeya caafimaadka xoolaha, qubaro iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay dhanka amaanka ayaa sheegay in Al-shabaab-kii laga soo eryay Gobolka Shabeelaha Hoose, haatan ay yimaadeen Gobolka SHabeelaha Dhexe Halkaasna ay dhibaato kawadaan.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa Dowladda Dhexe ugu baaqay in ay Hir-shabeelle ka caawiso sidii loogu guuleysan lahaa shabaabka Shabeelaha Dhexe soo buux dhaafiyay.

“Howlgalada ka socda Shabelaha Hoose,cadowgii lama laayn wadankii kama bixin annaguu noo soo guuray halkan ayuu nala joogaa.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here