Xaaf:-“Wasaarada Arrimaha Gudaha Kaliyah Howsha Galmudug Kuma Deyn Doono”,

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa caawa waxa uu ka qeyb galay Xaflada soo xiritaanka shirka dib u hishiisiinta Galmudug.

Madaxweynaha oo qudbad dheer ka jeediyay munaasibada soo xiritaanka ee shirka dib u hishiisiinta beelaha daga Galmudug ayaa waxa uu dowlada federaalka ah uga mahadceliyay howsha ay qabteen isaga oona ku baaqay in aan dib u hishiisiinta halkan lagu ekeen oo loo baahanyahay in la sii wado

Waxa uu hadalkiisa ku daray in wixii hada ka dambeeyay habka doorasho ee Galmudug loo dhisayo iyo gudiyada farsamada uu maamulka Galmudug qeyb ka ahaanayo oo aysan wasaarada arimaha gudaha kaliya howsha aysan wadi doonin

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku amaanay Madaxweynaha Galmudug in uu yahay nabadoon wax badan u soo qabtay Galmudug ayaa waxa uu madaxweynaha Galmudug gudoonsiiyay bilad sharaf.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here