Nabadoon Muuse oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay in uu ka biya diiday in uu yimaado Magaaladda Beledweyne.
Waxa uu sheegay in Kheyre uu yimaaday deegaan la yiraahdo Huurshe,balse uusan usoo gudbin Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,uusan diyaar u aheyn xalinta tabashadda waxgaradka reer Hiiraan.
Dhanka kale waxa uu ka hadlay hadalkii shalay kasoo yeeray Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), Taliyaha Guutada 5aad ee Qeybta 27aad ee xoogga dalka ee ku aadanaa in uu is casilayo haddii Odayaasha Hiiraan ay diidaan in ciidamo dowladda ku tababaray Baladweyne la diido in la qarameeyo.

