Howlgalka AMISOM oo Loogu Baaqay in ay Diyaariyaan Qorshe Shabaab Dalka Loogu Saarayo

0

Midowga Africa ayaa ugu baaqay ciidamada nabad ilaalinta ujooga Somalia  ee amisom iney xoojiyaan dagaalka  ka dhanka ah  Alshabaab si loo hubiyo gudbinta saadka lasiiyo ciidamada amisom kuwaasi oo kusugan qeybo kamid  ah gobalada dalka Somalia.

Nikibus Lakara oo ah ku-xigeenka hogaanka  ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ee amisom  ayaa u sheegay ciidamada  amisom in loo baahanyahay iney dar dargaliyaan howlaha nabad ilaalinta furista wadooyinka muhiimka u ah isu socodka saadka lagu caawiyo ciidamadda,Nakibus lakara ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in ciidamada amisom ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka Somalia si loo gaaro xasilooni waarta.

Nakibus Lakara ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay sidii looga shaqeyn lahaa hanaanka kala guurka oo uu sheegay in amniga goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada amisom lagu wareejin doono ciidamada amaanka Somalia marka ay dalka iskabaxayaan ciidamada nabad ilaalinta ujooga Somalia.

“furista iyo hubinta amniga wadada xiriirisa muqdisho iyo jowhar sidoo kale wadada xiriirisa degmada mahaddaay iyo tiyeegloow waxey muhiim utahay iskusocodka iyo gudbinta adeegyada lagu taageero ciidamada amisom waxaan ku fraxsanahay inaan ogaado inaad awooddaan joogteenta howlagalada kasocda halkaasi “ayuu yiri  Nakibus Lakara kadib howlgallo ay maalinamaddi sabtiga aheyd ciidamada amisom ey kasameeyaan magalada jowhar ee xarunta gobalka shabeellaha dhexe.

Magalada jowhar ee Caasimadda maamulka hirshabeelle waxana  saldhigyo millitari kuleh qeybta shanaad ee ciidamada amisom gaar ahaan kuwa Burundi waxana qiimeen iyo kormeer ku sameeyay howlagalada kasocda halkaasi kuxigeenka hogaanka ciidamada amisom ninka lagu magacaabo Nakibus Lakara.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here