Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qarax lagu Dilay Mas’uuliyiin ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Hir-shabeelle.
Qaraxaan oo ka dhashay miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ‘HiirShabelle’ xilli uu marayay afaafka tuulada Gololeey oo qiyaastii 7KM ujirta degmada Balcad.
Afhayeenka dhanka howlgaladda Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta shabaab ayaa sheegay in qaraxa uu u dhacay sidii loogu talagalay.
“Allaah fadligii howlgalku wuxuu u dhacay sidii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay raggii bartilmaameedka ahaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta Shabaab.
Qaraxa ka dhacay Gobolka Shabeelaha Dhexe,waxaa ku dhintay Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe,Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan iyo Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid kamid ah Hey’adaha samafalka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

