Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in qarax miino uu goordhaweyd ka dhacay deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo kan Gobolka Shabeelaha dhexe.
Kolonyadda Gaadiidka waxaa la socday guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maaliyada gobolka Shabeelahadhexe Shitaawe iyo mas’uuliyiin kale.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka qaraxa ayaa khasaare u geystay laba gaari,waxaa jira khasare dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay.

