Ciidamadda Ilaaladda Raisulwasaare Kheyre oo Dilay Maxamed Aadan Deerow

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa ku waramaya in askari ka Tirsan ciidamadda ilaaladda Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkaan ayaa ka dhacay aafadda Berdaale ee Magaalada Baydhabo, gaar ahaan agagaarka Garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub, oo xilligaa uu ku sugnaa Ra’iisalwasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askariga ayaa ka shakiyay gaari uu watay wiilka dhalinyaradda ahaa oo kusii jeeday Garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub,wuxuuna ku furay rasaas,taasi oo keentay dhimashadda wiilka dhalinyarada ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Deerow ayaa caan ka ahaa Magaalada Baydhabo, iyadoo uu u ololeyn jiray arrimaha bulshada.

Dilkiisa waxaa caro ka muujiyay shacabka reer Magaaladda Baydhabo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here