Nin Al-Shabaab ahaa oo Ka Baxsaday Saldhiga Degmadda Waaberi

0

Nin ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka baxsaday Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa qoriga kula dhagay sida la sheegay askari ilaalo ka ahaa saldhiga,waxaana ugu dambeyntii u suurta gashay in uu ka baxsado goobta.

Askari kale oo ka tirsan ilaalada saldhiga Degmadda Waabari ayaa rasaas  ka daba riday ninkaasi shabaab ahaa, balse ninka baxsadka ahaa ayaa orodkiisa sii watay.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Waaberi, Maxamed Cabdiqaadir  oo saldhiga ka maqnaa marka uu falka dhacayay ayaa askarta ku canaantay arintaan,wuxuuna sheegay in ay ku raadjoogaan ninka shabaab ah ee baxsaday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here