C/nuur Maxamed Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubba-land oo la hadlay Warbaahinta ayaa beeniyay wararka la xariira in la xiray Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba-land kaasi oo la sheegay iney xireen Ciidamadda Amisom ee qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Amisom gaar ahaan kuwa Ethiopia.
Afhayeenka ayaa tilmaamay iney wararkaasi ey yihiin waxba kama jiraan islamarkaana lagu marin habaabinayo shacabka deegaanada jubaland isagoona hoosta ka xariiqay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan.
Dhinaca kale C/nuur maxamed afhayeenka wasaarada amniga jubaland ayaa tilmaamay iney socdaan howlgalo lagu sugayo amaanka deeganada maamulka jubab-land isagoona intaasi ku daray iney ku howlanyihiin soo bandhigista guulaha laga gaaray howlagada ay wadaan ciidamadda amaanka maamulka Jubaland.

