Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa ka hadlay qarax khasaare geystay oo saakay ka dhacay Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxa uu sheegay in goobta uu qaraxa ka dhacay uusan ka ak dhaweyn saldhiga ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la wareegay Degmadda awdheegle.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qaraxa miino ee ka dhacay Awdhiigle ay ka dambeeyeen Xarakadda Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo shacab ah ayay dhaawacyo soo gaareen,waxaa sidoo kale qaraxa ku dhintay nin odey ahaa oo lagu magacaabi Axmed Shiikh Cali.
Degmadda Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana dhawaan la wareegay ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya,waxaana laga saaray Xarakadda Al-Shabaab oo muddo ku sugan.

