Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysnaa oo xalay dilal ka geystay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Dilalkaan ayaa ka dhacay Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogtay labo askari oo la sheegay in ay ka tirsanayeen Nabadda Sugidda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana fadhiyay meel ku dhow Saldhigadda Degmadda Shibis.
Labada askari ayaa la sheegay in isla goobta ay ku geeriyoodeen,waxaana goobta soo gaaray ciidamadda amaanka Dowlada Soomaaliya oo qaaday meydadka askarta.
Ragii dilalka fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday.

