Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo saakay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay sheegeen saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya,gaariga oo ahaa Nooca Soomaalida u taqaano NOHA ayaa waxaa saarnaa 3ruux oo labo ay hubeysnaayeen midna uu gaariga waday.
Saraakiisha waxa ay sheegeen in Ciidamadda amaanka ay dileen hal ruux,midna uu qarxiyay gaariga,halka mid kale uu baxsaday yahay balse la baadigoobayo.
Khasaaraha qaraxaan uu dhaliyay ayaa lagu sheegay dhaawacyo soo gaaray Ciidamadda Booliska, dad shacab ah iyo gaadiid fara badan uu burbur xoogan soo gaaray.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa la doonayay in lala galo Xarunta Maaliyadda isgoyska Ex-Kontorool halkaas oo gaadiidka lacago loogu qaado.
ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qaraxaan.




