Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeen culus u jeediyay Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), oo dhawan Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Jubbaland ay Madaxweyne u doorteen.
Isagoo la hadlayay idaacadda Simba ayuu sheegay in doorashadii Axmed madoobe ay aheyd mid xaraan ah,islamarkaana dowladda Dhexe ee Soomaaliya ay ka hor timid.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan la qaban doono doorasho xalaal ah,taasi oo lagu dooranayo hogaamiyaha Jubbaland,waliba lagu qaban doono meel ka baxsan Magaaladda Kismaayo.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in Axmed Madoobe gacanta lagu soo dhigi doono maalin un,islamarkaana maxkamadd lasoo taagi doono sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

