Wadooyinka Qaar ee Magaaladda Muqdisho oo Saakay Xiran

0

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Isgoyska Jubba,Ceel-gaabta iyo wadooyin kale ayay maanta xireen ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaan halkaas lagu arkayaa ciidamo kala duwan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xiray wadooyinka ay tahay Xaflad lagu daah furayo duulimaad toos ah oo diyaaradda Air uganda ay ka bilaabeyso Magaalada Muqdisho ayaa hadda ka socota Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde iyadoo diyaaradda ay soo degtay.

Xafladda waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin kala duwan,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Garoonka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here