Xoghayaha Guud ee QM oo Mas’uul Cusub Usoo Magacaabay Somaliya

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres  ayaa mas’uul cusub usoo magacaabay Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska António Guterres  ayaa lagu sheegay in Adam Abdelmoula oo u dhashay dalka Suudan, balse heysta dhalashada Mareykanka uu noqon doono ku-xigeenka Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya iyo xiriiriyaha arrimaha Bani-aadamnimo ee Soomaliya.

Adam Abdelmoula ayaa bedeli doona George Conway oo u dhashay dalka Canada, kaasoo xilka sii hayey ilaa April 2019.

Mas’uulka cusub wuxuu muddo 30 sano la shaqeynayey hay’adaha Qaramadda Midoobay, wuxuuna kasoo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Kuwait, Somalia iyo Syria, isagoo xiligan hayey xilka agaasimaha Guddiga sare eexuquuqda aadanaha Qaramadda Midooba

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here