Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala beegsaday gaari ay la socotay agaasimaha Isbitaalka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed khadiijo iimaan Ceynte.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay agaasimaha iyo darawalkii gaariga u waday,mana jiro waxyeelo kale uu qaraxa geystay.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.




