Faah-faahin:-Ciidamo Mareykan ah Oo Qarax Lagula Eegtay Jubbada Hoose

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ciidamo Mareykan ah lagula eegtay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miinadda dhulka lagu aaso ayaa ciidamadda mareykanka lagula eegtay deegaanka Buula Guduud,halkaas oo ciidamadda Mareykanka ay howlgal ka wadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa miino lala helay gaari qafilan oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah, islamarkaana uu qaraxa waxyeello gaarsiiyay gaari Hamar ah waxaana jira dhimasho iyo dhaawac gaaray ciidamadii la socday.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo loogu hadlaayo qaraxa ka dhacay Jubadda Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here