Axmed Madoobe oo La sheegay in Shabaab iyo Kenyan ku Hayaan Kismaayo+Dhageyso

0

Madaxweynaha Dib loo doortay ee Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la sheegay in uu qaadi doono mas’uuliyadda dhibaato walba oo ka dhacda jubbaland gaar ahaan Magaaladda Kismaayo.

Siyaasi Maxamuud aadan Xuseen Geney oo kamid ah siyaasiyiinta reer Jubbaland oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Axmed Madoobe su’aalo laga weydiin doono wax walba oo jubbland ka dhaca madaama uu isaga sheegtay in uu yahay Hogaamiyaha Jubbaland,inkastoo ay jiraan  Madaxweynayaal kale oo is magacaabay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al-shabaab iyo Ciidamada Kenya ay Axmed Madoobe ku hayaan Magaaladda kisamayo, balse uusan awood ku joogin.

Magaaladda Kismaayo ayaa lagu doortay seddex Madaxweyne oo kala C/naasir Seeraar Maax, Axmed Madoobe iyo C/rashiid Xidig waxayna Dowladda soomaaliya doorashooyinkaas ay ku tilmaamtay kuwa sharcidaro ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here