Beesha Caalamka Oo walaac Xoogan ka muujisay Doorashada Jubbaland

0

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey sida ay ku socoto doorashada Jubbaland waxa ayna siyaasiyiinta Jubbaland ugu baaqeen isu tanaasul si looga fogaado qalalaaso.

War saxaafadeedka beesha caalamka ay kasoo saartay doorashada Jubbaland  ayaa u qornaa sidan.

Iyada oo la dhiiri gelinayo lana danaynayo kobcinta xasilloonida iyo dhowrista midnimada ka dhex jirta bulshooyinka Jubaland, daneeyayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya (Kanada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-goboleedka IGAD [UN] iyo Qaramada Midoobay] ayaa ku booriyey dhammaan daneeyayaasha Jubbooyinka inay heshiis ka gaaraan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo loona dhan yahay cadaalad iyo nabad na ah.

Waxaan ka walaacsanahay maqnaanshaha heshiis noocaas ah iyo in suuragalnimada degganaan la’aanta iyo kala qaybsanaanta ka jirta Jubaland ay si weyn u kordhayso.

Kahor doorashada la qorsheeyay 22ka Agoosto 2019, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka fogaadaan ficil kasta oo sababi kara rabshado.

Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada AMISOM ay ku abuureyso deegaan aamin ah oo ka jira Jubbooyinka, waxaanan dhiirigelineynaa isku xirnaanta ciidamada dhulka jooga.

Waxaan ku boorineynaa dhammaan daneeyayaasha in ay ka shaqeeyaan nabadda , joogtaynta nabadda iyo xasilloonida Jubaland muhiim uma ahan kaliya dadka ku nool dowlad-goboleedkan Federaalka ah laakiin waxa ay horumar dheeraad ah u tahay amniga, dhaqaalaha iyo horumarka iyo siyaasadda Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here