Maamulka gooni isu-taaga Somali-land ayaa si kulul ugu Hadlay wixii shalay dhacay Gudaha Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka awdal
Wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Somali-land axmed cadare oo la Hadlay warbaahinta Gudaha Maamulka Somali-land ayaa sheegay in Maamulka soomali-land uu aad kaga xun yahay wixii shalay ka dhacay Gudaha Magaalada Boorama ee gobolka awdal
Sidoo kale axmed cadare ayaa ka Hadlay Guriga Taliyihii ciidanka Booliska gobolka awdal oo maanta ay gubeen dad ka careysan wixii shalay ka dhacay Magaalada Boorama ee Gobolka awdal
Wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Somali-land axmed cadare ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay askarigii shalay rasaasta ku furey dhalinyaro kubbad ku ciyaaraysay gudaha Magaalada Boorama ee Gobolka awdal dhawaana Maxkamad ka Horkeeni doono waa siduu Hadalka u dhigay
Axmed cadare ayaa ugu Dambeyn sheegay in ay socdaan Holwgalo Baaritaano ah oo lagu Baadi goobayo ragii ka dambeeyay in la gubo Guriga Taliyihii ciidanka Booliska Gobolka awdal ee maamulka somali-land

