Faah-faahin:-Qaraxa Ka dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo duhurnimadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama muqdisho gaar ahaan kasoo horjeedka Hotelka Wehliye.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalo maqaayado lagu cunteeyo,waxayna wararka sheegayaan gaariga qarxay uu bartilmaameedkiisa ahaa maqaayadaha.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa,waxaana goobta ku sugnaa dadweyne fara badan.

Ciidamadda amaanka iyo gaadiika gurmadka Deg dega ayaa haatan ku sugan goobta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here