Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ganacsade, Ganacsade kale barqanimadii maanta ku dhaawacay Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Hoteelka Shaam ee ku yaala Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatadda Suuqa, Labadda ganacsade ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyay,waxayna taasi keentay in ay Bastooladdo isku qaataan islamarkaana ay isku rasaaseeyaan Suuqa.
Mid kamid ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta,halka mid kale uu baxsaday.
“Walaalow labo Ganacsato oo suuqa Bakaaraha caan ka ah ayaa israsaaseeyay maanta, mid kamid ah gaari ayuu la socday midna wuu lugeynayay,kii wada socday ayaa dhaawac uu soo gaaray kadib markii uu rasaas ku furay kii gaariga la socday wuuna baxsaday, ciidamadda amaanka ayaa rasaas ku furay“, ayuu yiri goobjooge la hadlay simba.
Dhanka kale Ganacsadaha dhaawacaymay ayaa goobta laga qaaday waxaana la geeyay goobaha caafimaadka Magaaladda Muqdisho.

